u eg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u eg
adj., [expression] look like, resemble; be similar to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku eg
adj., [expression] appropriate, suitable; complete
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaannimo
(Abwaannima-da)
Abwaan ahaansho; aqoon, tan abwaanka u eg, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adaar-biciid
(Adaar-biciid-ka)
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga; wuxuu lee yahay, miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbaay
(Babbaay-ga)
Geed dhulka kulul ka baxa oo yare baarta u eg; baarka sare wuxuu ku lee yahay caleemo balballaaran; wuxuu dhalaa miro waaweyn oo qaraha u eg oo iniino badan oo filfil u eki dhexda uga buuxaan; (ama mafafaay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bahalhiglo
(Bahalhigla-da)
Bahal yeeyda u eg, dawacadana ka yar, oo koox koox isu raaca; goollawaraabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bawne
(Bawna-ha)
Bahal yar oo kadafka u eg, kase dabo buuran; booddo-dheeri buu caan ku yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeryaro
(Beeryara-da)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah oo beerka u eg oo dhiigga wax ka samaysa.
2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birinbirqayn
(Birinbirqayn-ta)
Cayaar-carruureed aan hab lahayn cayaarid; farsamo birinbirqada carruurta u eg, samayn; faranfardayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bub
(Bub-ta)
Cayaar labo qof ama ka badan lagu cayaaro oo shaxda u eg; yib; shantarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burcad
1. (Burcad-da) Urur tuugo; qowle.
2. (Burcad-ka) a) caanaha la lulo subagga ka baxa oo aan weli la shiilin. b) Subag dhirta laga liso oo kan caanaha laga lulo u eg. c) Bocorka caanaha geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burdaddo
(Burdadda-da)
Geed la cuno oo u eg butada ama hataatada waaweyn, oo xubno iyo bukuro leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buto
(Buta-da)
Geed yar oo buruq leh oo iski u baxa: wuxuu u eg yahay bataatada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanammaceeye
(Caanammaceeya-ha)
Geed meygaagga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caano
(Caana-ha)
1. Wax cad oo shubma oo ka yimaada naasaleyda dheddig naasohooda oo dhashoodu nuugto oo ku noolaato.
2. Wixii kaloo u eg, sida dhirta qaarkeed dhacaanka cad oo ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caduuro
(Caduura-da)
Geed aan qodxo lahayn oo bixiya miro yaryar oo kuwa kiriiriga u eg, oo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanberi
(Calaanberi-ga)
Bahal jirac weyn oo guduudan u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calool
(Caloo-sha)
1. Xubin iskujoogga cunnadu marto kamid ah; waxay u eg tahay kolay yar waxayna ku jirtaa uurka, kolka bogga la dhaafo; hawsheedu waa inay cunnada inta dhacaammo kala gaar ah oo ay leedahay ku darto, jilciso oo xiidmaha u gudbiso; kubo.
2. Uur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canab
(Canab-ka)
1. Miro yaryar oo kulkulucsan oo dhawr midab (guduud; cagaar,...) leh, oo cuntub cuntub u baxa: sidoodaa lagu cunaa, ama khamraa laga sameeyaa, ama inta la engejiyo baa sabiib laga dhigaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan; (ama cinab).
3. Kuul mirahaas u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cangub
(Cangub-ka)
Geedquwaax dheddinka u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraacar
(Caraacar-ka)
Qodaxda yaryar oo cadcad oo yamaarugga iyo tiinka iyo dhirta u eg, ka baxda; (ama caraancar).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_eg
de: look like, resemble; be similar to
initial: u
lx: u eg
pd: (ekaa)
ps: adj-expr
xe: She resembles him.
xv: Isaga ayay u egtahay.
key: u_eg
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isu eg
Similar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku deg
v. land on; come down on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_eg
de: appropriate, suitable; complete
lx: ku eg
pd: (ekaa)
ps: adj-expr
key: ku_eg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dig
v. warn someone, advise someone about something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u dig
-u digay / u digtay: (v) warn (woon); admonish (ad-mo-nish); caution (koo-shinf, forewarn (foor-woon) ~ digniin sii
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
U gee
Add
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u gee
-yey / geysey: (v) deliver (di-li-ver); bring (biring) ~ gaarsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u tag
v. go to someone
u tag: v. have sexual relations with (a woman, of a man)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku eg
adj., [expression] try out ~ compare something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isu eeg
v. compare
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku beeg
v. align, make something correspond to ~ coincide with something else; direct
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku ergo
v. entrust, give something to someone in custody
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u ergow
v. apologize to someone; get someone's approval for something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u sheeg
v. tell something to someone